Doorashada Lix kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Kismaayo

Waxaa magaalada Kismaayo ka socda doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka iyadoo qaar kamid ah kuraastaasna lagu doortay xildhibaano.

Cumar Ibraahim Xaashi ayaa ku guuleystay kursiga HOP 114 ee Golaha Shacabka kadib markii uu helay 80 cod halka musharaxii la tartamayay Cabdi Aadan Cabdulaahi uu helay 12 cod.

Kursi kale oo la tartamay ayaa ku guuleystey Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga HOP 120 isagoo helay codad gaaraya 77 Cod, halka Siciid Cabdiqaadir Shugri oo la tartamayey uu helay 18 cod.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More