Doorashada lix kursi oo ka tirsan kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo la shaaciyay

Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobolada Waqooyi ee dalka ayaa shaaciyay in Subaxnimada Arbacada ee 29ka bisha September la qaban doono lix kursi oo ka mid ah 11ka kursi ee gobolada Waqooyi ee dalka.

Saddex kursi ayaa tartankooda aad u adag yahay oo isha lagu hayaa, kuwaasoo kala ah kursiga Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.

Kursiga kale waxaa ku tartamaya Prof Maxamed Maxamuud Alla Bari, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo C/raxmaan Cismaan Cali.

Waxaa kaloo ka mid ah kursiga ka mid ah Cismaan Abokar Dubbe iyo C/kariin Maxamed Xasan.
Waxaa la rajeynayaa in maalinimada Khamiista ee 30ka bishan la soo gabagabeyn doono doorashada senatarada aqalka sare ee Soomaliland oo gaaraya 11 kursi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More