Dowlad deegaanka Soomaalida oo beeniyay in ciidamadeeda ay ka qeybqaateen dagaalka Laascaanood

Mar. 09 (Jowhar.com)- Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa beeniyay eedeyn uu maamulka Somaliland ku eedeeyay in ay ciidamadeeda ay ku lug leeyihiin dagaalka ka soconaya magaalada Laascaanood.

War saxaafadeed ka soo baxay Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in ciidan ka socda ismaamulka Soomaalida Itoobiya, aanay qeyb ka ahayn dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Xukuumadda Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegtay in muddo ah inay ka gaabsanaysay ka jawaabista eedeymo iyo dacwooyin is daba joog ah, oo kaga imanaysay dhanka Somaliland.

Warkan ka soo baxay Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa yimid kadib markii Maamulka Somaliland uu markii ugu horreysay sheegtay in ciidamo ka yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay qayb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Laaso Caanood ee gobolka Sool.

War-murtiyeedka ka soo baxay shirka golaha wasiiradda Somaliland oo looga hadlay xaaladda Magaaladda LaasCaanood, ayaa lagu sheegay in ciidamo ka yimid dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo taageeraya kuwa deegaanka ay ka dagaalameen Laascaanood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More