Dowlada Britain oo ku biirtey wadamada hanjabaada u jeedinaya dowlada Soomaaliya

Dowladda Britain ayaa ka hor timid tallaabadii baarlamaanka Soomaaliya ay ku ansixiyeen in muddo labo sano ah loogu kordhiyo hay’adaha dowladda ee wakhtigoodu dhamaaday.

Dowlada Ingiriiska ayaa qoraal ayaa waxa ay Madaxda Dowladda Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ugu hanjabeen cunaqabateyn iyo Xayiraad haddii ay ka laaban waayaan isku dayga muddo dheereysiga ah.

Bayaanka kasoo baxay dowladda UK ayaa lagu sheegay “Waxaan ka walaacsanahay go’aanka Golaha Shacabkka ay muddo labo sano ah ugu kordhiyeen muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ha’yadaha dowladda”

Waxay intaas ku dartay in go’aankan uusan horseedeyn in xal laga gaaro ismari-waaga ka dhashay arrimaha doorashada.

“Waxaan gebi ahaanba kasoo horjeednaa dadaal kasta oo lagu qabanayo doorashooyin is-barbar socda ah ama hal dhinac ah ama wax muddo kororsi ah”

“Waa tallaabo wiiqeyso kalsoonida lagu qabo hoggaanka Soomaaliya halisna ku ah amniga iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu cadeeyay bayaanka.

Dowladda Britain ayaa ku boorrisay madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada in ay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadalka, si ay xal uga gaaraan muranka doorashooyinka dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More