Dowlada Federalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay berri tahay maalinta Koowaad ee Bisha Ramadan

April 01 (Jowhar.com) –Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta XFS ayaa ku dhawaaqday in maalinta Berri ay tahay maalinta 1aad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

War ka soo baxay goordhow wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa lagu sheegay in bisha barakaysan ee Ramadan laga arkay deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

Wasaarada waxa ay sheegtay in uu ku arkay deegaanka Awdheegle nin oday ah oo magaciisa la yiraahdo Xaaji Xasan Eenow kaasi oo ay ay dhaarisey wasaaradu.

Waxa ay  sidoo kale wasaaradu sheegtay in uu ku arkay bisha magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodon Cabdicasiis Xasan Ibraahin.

Sidoo kale ururka Alshabaab oo maamula deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in berri ay tahay maalin Soon ah lagana arkay deegaano ka mid ah dhulka Soomaalida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More