Dowlada Itoobiya iyo Ururka EPLF oo heshiis xabad joojin ah gaaray

Nov. 02 (Jowhar.com) -GDhinacyada ku dagaallamaya gobolka Tigreega ee woqooyiga Itoobiya ayaa ku heshiiyey in ay joojiyaan colaadda, kadib labo sano dagaal galaaftay kumanaan qof, malaayiin qofna barakiciyay, boqolaal kun oo kalena ay soo food saartay macaluul.

Dhex dhexaadiyaha Midowga Afrika Olusegun Obasanjo, ayaa ka sheegay xaflad lagu saxiixayay heshiiskan oo ka dhacday maanta caasimada Koofur Afrika ee Pretoria in heshiisku uu ogolaanayo in sahaydii bini’aadantinimo ee Tigray loo soo celiyo.

Wadahadallada nabadeed ayaa si rasmi ah uga bilowday Pretoria bishii hore ee Oktoobar 25keedii.

Obasanjo, Madaxweynihii hore ee Nigeria, isla markaana hoggaaminayay kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika, ayaa sheegay in dhaqangelinta heshiiska ay kormeeri doonaan guddi heer sare ah oo ka socda Midowga Afrika.

Wakiilka dawladda Itoobiya, Redwan Hussien, oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa sheegay in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay tahay inay ka dhabeeyaan heshiiska iyo nuxurka heshiiska.

Sidoo kale, Getachew Reda, oo ah afhayeenka ururka TPLF, ayaa ka hadlay dhimashada iyo burburka baaxadda leh ee ka jira gobolka, wuxuuna muujiyay rajo ah in labada dhinacba ay fulin doonaan ballanqaadkooda.

Colaadda labada dhinac ayaa mararka qaar ka soo gudubta dhulka Tigray oo u gudubta gobollada deriska la ah ee Axmaarada iyo Canfarta.

Eritrea iyo ciidamada gobolka ee isbaheysiga la ah ciidamada Itoobiya ayaan midkoodna ka qeybgalin wadahadalka ka socda Koonfur Afrika, mana cadda in ay u hogaansami doonaan heshiiskii halkaas lagu gaaray.

Dagaalkan ayaa salka ku haya burbur ba’an oo ku yimid xiriirka u dhexeeya Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray, Jabhadda isu rogtay xisbi siyaasadeed oo Itoobiya ka talinayay 27 sano, iyo Abiy oo mar ka mid ahaa isbahaysigooda talada haya, balse magacaabistiisii 2018-kii soo afjartay taladii TPLF.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More