Dowlada Maraykanka oo ku baqday in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka Boosaaso

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Boosaaso, laguna soo laabto wada hadal, si loo helo wada xaajood iyo xal nabadeed.

Qoraal la soo dhigey barta Twitterka ee safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri; “Waxaan ku boorinaynaa in si deg deg ah loo joojiyo colaada Bosaaso oo dib loogu laabto wadahadal, si loo helo wadaxaajood nabadeed.

Dagaalada sii socdaa waxay dhibaato kale u geysanayaan Boosaaso iyo dadkeeda.”

Ciidamada PSF ee ku lugta leh dagaalka Boosaaso ayaa waxaa dhanka tababarka iyo taakulada ka taageera Mareykanka, inkastoo muddo sanad la sheego in taageeradaas hakad gashay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More