Dowlada Maraykanka oo kula taliyay muwaadiniintiisa ku sugan Ethiopia inay isaga baxaan

War ka soo baxay safaarada Maraykanka uu ku leeyahay magaalada Addis Ababa dalka Ethiopia ayaa lagula taliyay muwaadiniinta u dhalatay Maraykanka inay isu diyaariyaan inay ka baxaan dalkaas oo ay colaadu sii korortay.

“Ammaanka guud ee dalka Itoobiya ayaa aad u sii xumaanayay dhowrkii maalmood ee u dambeeyay iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha hubaysan iyo kacdoonka shacabka ee Axmaarada, Canfarta iyo Tigrayga. Qayb muhiim ah oo ka mid ah jidka weyn ee A2 ee isku xidha Addis Ababa iyo magaalooyinka woqooyiga waxaa xaddiday mas’uuliyiinta Federaalka taas oo keentay carqalado, socdaalayaasha go’doonsan, iyo guud ahaan jawiga safarka oo aan la ogolayn.”ayaa lagu yiri qoraalka.

“Shaqaalaha safaaradda Mareykanka ayaa hadda laga mamnuucay inay u safraan meel ka baxsan xadka magaalada Addis Ababa. Waxaan si adag u soo jeedinaynaa in muwaadiniinta Maraykanku ay si dhab ah uga fiirsadaan safarka Itoobiya iyo kuwa hadda ku sugan Itoobiya inay ka fiirsadaan isu diyaarinta inay dalka ka baxaan.”ayay safaarada Maraykanka sii raacisay.

Qoraalka ka soo baxay safaarada Maraykanak ee dalka Ethiopia ayaa sidoo kale lagu sheegay in muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Ethiopia is diiwaangeliyaan.

“Haddii aad tahay muwaadin Maraykan ah, ama haddii aad leedahay xubin qoyska ka mid ah muwaadin Maraykan ah, gudaha Itoobiya fadlan naga diiwaan geli joogitaankaaga Itoobiya isla markaaba AddisACS@state.gov adiga oo wata macluumaad gaar ah.

Dowlada Ethiopia ayaa xaalad deg-deg ah ku soo rogtay guud ahaan dalkeeda kadib markii jabhada TPLF ay ku soo dhawaatay caasimada Addis Ababa ayna qabsatay magaalooyin waweyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More