Dowlada Soomaaliya oo beenisay inay Iskaashi ciidan la sameysanayso Ethiopia iyo Eritrea

Agaasimaha Madaxtooyada Dowlada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku beeniyay safarka la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku tegayo magaalada Addis Ababa si uu heshiis amni ula yeesho dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Cabdirashiid Xaashi Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xusay in safarada Madaxweynaha Farmaajo ay yihiin kuwo daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran ugu gudbiyaan Warbaahinta Soomaaliyeed

“Wararka sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu barri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay in uu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah waa mid been abuur ah oo aan jirin.” ayuu ku sheegay qoraalkiisa C/rashiid Xaashi.

Sidoo kale Agaasimaha Madaxtooyada ayaa qoraalkiisa ku xusay war uu sheegay Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid. “War Been ah waa War Been ah haba ka timaado mas’uul ra’iisul wasaare ka soo noqday dalka.”ayuu sii raaciyay Qoraalkiisa Xaashi.

Hadalkaan ayaa imanaya saacado un kadib markii Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid uu soo dhigay twitter-ka qoraal uu shaaca kaga qaadayo ‘inuu jiro heshiis halis ah oo ay kala saxiixan doonaan Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, kaasi oo uu ku baaqay in fiiro gaar ah loo yeesho’.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More