Dowlada Soomaaliya oo codsatay in la xiro xafiiska UNSOM

May 09 (Jowhar.com)-Warqad uu ku saxiixan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, loona diray Madaxweynaha Golaha Ammaanka Pedro Comissario Afonso, ogeysiina la siiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Ayaa looga codsaday in la baabi’iyo Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM), innagoo tixgalineyna bay yiraahdeen hawllaheena istiraajiyadeed ee hortabinta leh.

Warqada ayaa lagu sheegay in Dawladda Soomaaliya aysan codsan doonin in la cusbooneysiiyo qaraarka tirsigiisu yahay 2705 ee soo baxay 2023.

Dawladdu waxa ay codsatay in la qaado dhammaan talaabooyinka lagama maarmaanka u ah hannaanka lagu gabagabeynayo muddo xileedka Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo ku eg bisha Oktoobar 2024.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in “wadashaqeyn guul leh” oo aan la leenahay UNSOM awgeed, “waxaan aaminsanahay in hadda ay habboon tahay inaan u gudubno wejiga xiga ee iskaashigayada.” Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa in ay sii wado la shaqeynta QM ee ku aaddan yoolalka horumarineed ee waara ee ka baxsan bixitaanka UNSOM.

Warqadan oo ku taariikhaysan 5-tii may 2024 ayaa Madaxweynaha Golaha Ammaanka waxa gaarsiiyay danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baale) 8-dii May.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More