Dowlada Soomaaliya oo ka soo horjeesatay howlgalka AMISOM in loo bedelo Nabad Ilaalin

Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay diidmadeeda ku daadan in hawlgalka AMISOM loo bedelo mid nabad ilaalin taasoo ay si wadajir uga hawlgalayaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

War-saxaafeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay si xooggan u diiddan tahay qorshaha uu ku talinayo hawlgalka wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Maalintii shalay ayaa Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika uu sheegay inuu taageersan yahay qorshaha ku saabsan hawlgalka wadajirka ah.

Qorshahaas waxaa markiisii hore soo jeediyey guddi qiimayn ah oo Midowga Afrika usoo diray Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay horey u diidday qorshahaas bishii July ee sannadkan.

Qorshan ayaa hadii uu dhaqan galayo waxaa laga doonayaa inay ansixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayna aqbasho dawladda Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa doonaysa in hawlgalka AMISOM looga gudbo ciidamada AMISOM si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga dalka loogu wareejiyo ciidamada Soomaalida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More