Dowlada Soomaaliya oo ku amartay hay’adaha gargaarka in muddo 3 bilood ah ugu soo guuraan gudaha dalka

Jan. 30 (Jowhar.com)-Wasaaradda Qorsheynta XFS ayaa ku wargelisay in hey’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee mashaariicda ka fulinaya Soomaaliya inay si buuxda ugu soo wada guuraan dalka Soomaaliya laga bilaabo (30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023) iyadoo la tixgelinayo xaalada amni ee dalka oo soo hagaageysa kaddib howlgalada guuleystay ee ka dhanka ah Argagixisada.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Qorsheynta ayaa lagu sheegay in wasaaradu ay gacan ka siin doonto hay’adaha sidii ay dalka Soomaaliya ugu soo guuri lahaayeen.

“Wasaarada Qorsheyntu waxa ay tallaabooyinka ku habboon ka qaadi doontaa hay’adaha fulin waayo amarkan,dalkana si degdeg ah ugu soo guuri waaya.”ayaa lagu yiri war saxaafadedka.

Qoraalka ayaa lagu wargeliyay hay’adaha in ay tababaradooda iyo shirarkooda ku qabsadaan gudaha dalka. Inta badan hay’adaha samafalka ayaa xarumo ku leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya,mana aha markii ugu horeysay ee dowlada Soomaaliya ugu baaqdo hay’adaha samafalka inay dalka u soo guuraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More