Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday Mowjada 3aad ee Xanuunka Covid 19

Wasaaradda Caafimaadka dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dalku ku jiro mowjaddii saddexaad ee xanuunka Covid-19, waxayna wasaaraddu sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda soo laabashada ah ee xanuunkaas.

Wasaaradda ayaa soo gudbisay tallaabooyin ay tahay in la qaado, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhimista isku socodka iyo kulamada marka laga reebo kuwa daruuriga ah, bandow habeenkii ah, in la joojiyo kulamada iyo isku imaatinnada dadka badani kasoo qaybgalaan, Iyo in dadka ka imanaya 11 waddan ay iska soocaan dadka kale muddo 14 maalmood ah.

Soomaaliya waxay ilaa haatan diiwaangelisay in ka badan 19 kun oo ah kiisaska COVID-19 iyo 1,079 dhimasho ah.

Wasaarada Caafimaadka ayaa soo saartay Habraaca Xakameynta Covid-19 ee Dowladda Federaalka Somaaliya kaasoo faraya mujtamaca Soomaaliyeed, dadka safraya, iyo kuwa u soo safraya Soomaaliya dhaqangelinta nidaamka caalimiga ah ee ka hortaga iyo xakameynta caabuqa COVID-19 iyo Talooyinka Wasaardda Caafimaadka si loo badbaadiyo bulshada Soomaaliyeed.

Halkan Hoose Ka Aqriso Habraacada Xakamaynta Covid -19

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More