Dowlada Soomaaliya oo la saxiixatay heshiis Hay’ad Caalami ah

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda xilgarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa heshiis la saxiixday Hey’adda Maalgashiga iyo Ganacsiga u qaabilsan Bangiga Adduunka ee IFC, heshiiska ayaa lagu taageerayaa horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya.

“Maanta waxa aan heshiis la saxiixnay Hey’adda Maalgashiga iyo Ganacsiga u qaabilsan Bangiga Adduunka ee IFC heshiis kaasi oo lagu taageerayo horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo gacan ka geysashada sidii fursado waara loogu abuuri lahaa bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda xilgarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

“Horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay waxaa uu muhiim u yahay isbeddelka dhaqaalaha dalkeena, sidoo kale Waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalada dib u habaynta hanaanka Maaliyadda iyo dhaqaalaha si aan iskaashi maalgashi iyo mid taageero dhaqaale u la yeelano Hey’addaha kala duwan ee Maaliyadeed ee caalamka”.ayuu yiri wasiirka maaliyadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More