Dowlada Soomaaliya oo lagu eedeeyay Musuqmaasuq

Hey’ad la dagaallanta musuqmaasuqa Soomaaliya oo daraasad ka sameysay heerka musuqa ayaa sheegtay in musuqmaasuqa uu ku baahay guud ahaan Soomaaliya.

Daraasaddan cusub oo ay sameysay hey’adda Marqaati ayaa muujineysa in qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan 50 boqolkiiba dadkii ay la hadashay hey’adda ay sheegeen inay bixiyeen laaluush sanadkii lasoo dhaafay.

Afar iyo toban boqolkiiba guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya ayay daraasaddu muujineysaa inay laaluush bixiyeen, halka qaarkoodna ay toddobaadkiiba mar bixiyaan.

Inta badan lacagahan laalushka ah ayaa la sheegay in la siiyo ciidanka dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Ciidamada maamul goboleedyada iyo kooxda Al Shabaab ayaa daraasaddu muujineysaa inay meel sare kaga jiraan liiska.

Hey’adda la dagaallanka musuqmaasuqa ee Marqaati waxaa kale oo ay sheegtay in musuqa uu aad ugu badan yahay meelaha ay ka talliyaan maamul goboleedyada.\

Xigasho;BBC

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More