Dowladaha Masar iyo Uganda oo iska kaashanaaya amniga iyo sirdoonka

Dowladaha Masar iyo Uganda ayaa kala saxiixday inay iska kaashaadaan arrimaha sirdoonka milateriga, sida laga soo xigtay wasaaradda difaaca dalka Uganda.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo khilaafka wabiga Nile cirka isku sii shareeray maalmihii lasoo dhaafay kadib marki ay fashil ku dhamaadeen wada hadaladii u dhaxeeyay wadamada Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Generaal Saamix Saabir oo ka mid ahaa wafdigii Masar ee tegay Kampala ayaa sheegay inay lama huraan tahay iskaashiga Masar iyo Uganada isagoo tilmaamay in wixii Masar saameyn ku leh ay sidoo kale saameynayaan Uganda.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Siisii ayaa hore uga digay halista ka dhalan karta khilaafka ka jira wabiga Nile, wuxuuna sheegay inaysan u dulqaadan doonin inay waayaan saamigooda biyaha wabiga.

Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa walaac badan ka qaba mashruuca biya xireenka Itoobiya, waxaana fashil ku dhamaaday dhowr shir oo la doonayay in xal looga gaaro saami qeybsiga biyaha wabiga Nile.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More