Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia oo ka wadahadlay wax u qabashada Soomaalida Ukraine

Mar 3 (Jowhar.com) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Serbia Nikola Selakovic ayaa ka guddoomay balanqaadkiisa ku aadan soo daad-gureynta Ardayda Soomaaliyeed ee ka soo cararay colaada Ukraine, isla markaana horay u sii wadan karaan Waxbarashadooda.

Labada Wasiir ayaa ku heshiiyay inay horumariyaan xiriirka labo geesoodka ah ee soo jireenka ah iyo inay si dhow isaga kaashafaan arrimaha khuseeya labada dal.
Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh gelisay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku noolaa dalka Ukraine ay u heli lahaayeen soo dhoweyn iyo qaabilaad, iyadoo Wasiirkana xiriir joogto ah la sameynayay Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Bariga iyo bartamaha Yurub ee saameysay xaalada colaadeed ee Ukraine.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More