Dowladda Kenya oo ka hadashay aqoonsiga Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland aysan Kenya u soo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan.

Warkan ka soo baxay Wasiirka arrimaha dibbada Kenya ayaa imanaya kadib markii dhawaaan Baarlamaanka dalka Ingriiska  dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.

Bishii December ee sanadkii 2020 ayay ahayd markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Muuse Biixi ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo sheegay inay ka wada hadleen danaha ay wadaagaan.

Booqashada Muuse Biixi waxay ku soo aadday xilli uu aad u sii xumaanayay xiriirka Kenya iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa 30 sano ka hor ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse tan iyo xilligaasi ma aysan helin aqoonsi caalami ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More