Dowladda Soomaaliya oo hub ka dhigis ku sameysay beelihii ku dagaalamay Cadale

Nov 01 (Jowhar.com)-Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa cutub Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed ah u diray Deegaao hoos yimaada Degmada Cadale, hkaas oo ay dhawana ku dagaalameen dad walalo ah.

Ciidanka ayaa kala dhex galay maleeshiyo beeleedyo ku diriray deegaankaas, hubka dhigisna ku sameeyay.

Sidoo kale Waxaa iyana goobta gaaray cutub Ciidan ah oo ka tirsan hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka (Nisa).

Taliyaha Daraawiishta Boliiska, Sareeye Guuto. Cabdulahi Mire, oo horkacayay ciidankan ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadka ku dhaqan deegaanada lagu dagaalamay gaar ahaan Ceel-muluq, Xaaji-Cali, Laba-garas, Cadow-uul, Dayfo iyo Burto-Shiikh.

Taliyaha ayaa amar cad dul dhigay oo ah in aan la aqbalikarin in wax hub ah lagu qaato deegaankaas dadkuna is dhex maraan, cidii ku xadgudubta xabad joojinta iyo dadaalada nabadeedna ay ciidamada amaanku u amranyihiin in ay gacan bir ah ku qabtaan lagana qaado talaabo sharciga waafaqsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More