Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay sababta Axmed Madoobe ay ugu taageertay magacaabista maamulka Gedo

June. 22 (Jowhar.com)-Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hahdlayay mamaulka cusub ee dhawaan madaxweynaha Jubalnd Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) u magacaabay gobolka Gedo ayaa sheegay in maadaama gobolkaasi uu ka mid yahya Jubaland ay dowladdu ku saxantahay in ay ku tagaeerto jubaland mamaulka loo magacaabay.

Wuxuu sheegay in dalku uu yahay federal, ka wasiir ahaanna uu mowqifkiisu yahay midka dowladda,isagoo muujiyay in tillaabadaas sabab looga hor yimaado aane muuqan.

Wasiir Fiqi ayaa ka jawaabayay su’aal laga waydiyay khilaafka gobolka Gedo oo sii xoogeystay dhawaan kadib markii maamulka cusub loo magacaabay, kaas oo ay ka horyimaadeen siyaasiin ka soo jeeda gobolka.

Xaalada gobolkaasi ayaa wali ah mid cakiran, waxaana dhawaan magaalada Garbahaareey laga celiyay diyaarad uu la socday gudoomiyaha cusub ee Gedo loosoo magacaabay, iyadoo shacabka magaaladaasi ay sheegeen iney diidan yihiin nidaamka wax maamul ee Axmed Madoobe.

Baardheere oo isla gobolkaasi ah waxaa shalay ka dhacay qaraxyo is xig-xigay, waxaana ku naf waayay 10 ruux oo u badnaa askar, sida xogaha la helayo ay tilmaamayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More