Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 60 Shabaab ah ay ku dishay gobolka Hiiraan

Dec 03 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal culus oo ciidamada dowladda oo garab ka helay beesha caalamka ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Sida wararku tilmaamayaan, In ka badan 60 ka tirsan Shabaab ayaa lagu dilay howlgalka ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo 8 KM dhinaca Koofur galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan.

Howlgalkaan oo qaatay Saacado badan walina socda ayaa sidoo kale waxaa lagu bur buriyay fariisimo ay Shabaab halkaasi ku lahaayeen iyo saanado ciidan.

Faah-faahino dheeraad ah goor dhow la soco Jowhar.com .

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More