Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay go’aan kasoo baxay maxkamada Nairobi

Jully. 02 (Jowhar.com)-Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay lacag malaayiin ah oo maxkamad ku taal Kenya ay ku xukuntay dowladda Soomaaliya.

Xukunka ayaa waxaa ridday maxkamad ku taalla magaalada Nairobi oo qaadda dacwadaha murannada sharciga.Maxkamadda ayaa dhegeysanaysay dacwad ay shirkad ganacsiga oo dhismaha ka shaqeysa ka gudbisay dowladda Soomaaliya.

Shirkaddan oo ay leeyihiin dad Soomaali ah ayaa ku dacwooneysay in safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay uga baxday qandaraas dayactirka safaaraddeeda Naiorbi.

Xabiib Maxamed Cigaal oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa u sheegay BBC in aysan jirin wax dacwad ah oo ay ka warqabaan oo ka taal maxkamad iyo xukun lagu riday midna.

Waxa uu sheegay in warkaas maxkamada ay warbaahinta uun ka arkeen. Waxa uu intaas ku daray in aysan jirin shirkad dhisme oo heshiis af iyo mid qoraalba ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda dacweyeysa, isaga oo xusay in aysan jirin wax xukun ah oo lala socodsiiyay iyo lacag magdhow ah oo laga filanayo inay bixiyaan.

Maxkamadda ayaa shirkadda dhismaha ka shaqeysa u xukmisay in lacag dhan Sh23m ay ka dalban karto dowladda Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More