Duqa Muqdisho oo digniin culus u direy Shacabka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu faray bulshada Caasimadda in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha caafimaad iyo wacyigalinta uu wado maamulka gobolka ee loogu hortagayo faafitaanka caabuqa COVID-19.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ciqaab la kulmi doonan cidii fulin weyso awaamiirta ay soo saartay wasaarada Caafimaadka ee la xariirta cudurka Coronavirus.

Xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda dadaalo Bulshada looga wacyigelinayo khatarta Cudurkan looguna sheegayo qaabka ugu haboon ee looga hortagayo.

Sidoo kale, maamulka gobolka Banaadir ayaa Bulshada aan helin karin agabka looga hortago covid-19 u qeybiyay, taas oo qeyb weyn ka qaadaneysa la dagaalanka faafitaanka corono virus.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More