Duqa Muqdisho oo kafaala qaaday daryeelka caafimaad ee Dr Xabeeb

Oct. 16 (Jowhar.com) -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xaruntiisa ku booqday Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cawaale (Xabeeb) oo maalmahaan xanuun maskaxda ah la tacaalayay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Dr. Xabeeb ku amaanay dadaalka iyo juhdiga uu ku bixiyay in xaruntiisa uu ku daweeyo boqolaal soomaali ah oo xanuunka dhimirka la il-daran. Asigoona dhinaca kale xusay in uu gacan ka geysan doonno sidii uu Dr. Xabeeb u heli lahaa daryeel caafimaad.

Dr Xabeeb ayaa booqashada uu ugu yimid guddoomiyaha gobolka Banaadir ay ahayd mid kedis ah isagana uu aad ugu farxay booqashadiisa.
“Runtii sharaf ayay mudan yihiin mas’uuliyiinta i soo booqatay oo uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Banaadir Madaale waan qalbi jabsanaa haddana waan qoslayaa ballanqaad ayaan helay waana huba in guddoomiyaha ballanta uu iga qaaday uu fulin doono.”ayuu yiri Dr Xabeeb isagoo qoslaya.

Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa ku ammaanay Dr Xabeeb waqtigii uu geliyay sidii dadka xanuunsan ay caafimaad u heli lahaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa u balan qaaday Dr. Xabeeb inuu si buuxda ugu garab istaagi doono wax ka qabashada xaaladiisa caafimaad iyo in uu helo daryeel Caafimaad oo dhameystiran, kaddib markii uu maanta ku booqday xaruntiisa.

Dr Xabeeb ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa soo wajahay xanuun dhanka madaxa ah, iyadoo bulshada dalbaneysay in dibadda loo qaado, si loogu daweeyo.

“Waxaan ka qeybqaadan doonaa sidii caafimaad u heli lahaa meel walba uu ku caafimaadayo waan kala qeybqaadan doonaa annagoo fulinayna kalmadahii Madaxweynaha ee ahaa in bulshada aad wax weyn u hayso.”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu baaqay qeybah kal duwan ee bulshada inay ka qeybqaataan sidii caafimaad uu u heli lahaa Dr Xabeeb.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa intii uu booqashada ku sugnaa xarunta Dr Xabeeb ee dadka dhimirka la’ lagu daweeyo waxa uu la kulmay bukaanada lagu daweynayo xaruntaas.

Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cawaale (Xabeeb) ayaa muddo dheer ku howlanaa sidii uu wax ugu qaban lahaa dadka qaba cudurada dhimirka,hase yeeshee waxaa uu Dr Xabeeb haatan l xanuunsanayaa kadib markii uu dhiig ku furmay madaxiisa. Waxayna dhakhaatiirtu sheegeen in dalka aan waxba loogaga qaban karin cudurka haleelay dr Xabeeb.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More