Duqeyn culus oo lagu beegsaday saddex xarun oo Shabaab ku lahaayeen Galgaduud

Aug. 10 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgal ay Ciidamada Qaranka ka fuliyeen gudaha Degmada Galhareeri ee Gobalka Galguduud.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in Hawlgalkan lagu beegsaday saddex Xarumood oo Shabaab ay ku sugnaayeen.

Midka mid ah waa Garaash ay ku diyaarinaysay Waxyaabaha Qarxa waxaana halkaas lagu burburiyay todobo Gaari oo yaalay Goobtaas.

Goobta labaad waxa ay ahayd Bakhaar hub oo ay Shabaab lahayd waana la gubay.

Goobta saddexaad waxaa u yaalay Qalab Caaafinaad oo ay si gaar ah u isticmaalaysay.

Galhareeri ayaa Shabaab u ahayd Xarun wayn oo ay u arkayeen in ay ku ammaan galayaan.

Waxaa uu hawlgalkaani qayb ka ahaa hawlgallo isdaba joog ah oo Ciidamada Qaranku ku burburinayaan xarumaha Kooxdaasi kuna beegsanayaan Saadka iyo isku socodkooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More