Ergeyga Midowga Africa Soomaaliya John Mahama oo ka tanaasulay xilkaas

Ergaygii ururka Midowga Afrika u magacaabay Soomaaliya John Dramani Mahama ayaa sheegay in uu ka tanaasulay aqbalaadii xilka ergaynimo ee Soomaaliya.

Qoraal uu u direy guddoomiyaha Midowga Afrika ayuu Madaxweynihii hore ee Ghana John Dramani Mahama kaga noqday aqablaadiisii hore ee ahayd in loo magacaabay ergayga Soomaaliya u qaabilsan ururka Midowga Afrika

“Isaga oo uga mahad naqay Midowga Afrika kalsoonida uu ku qabo, ayaa Mahama waxa uu tilmaamay in muhiimadda weyn ee siyaasadeed ee ay u baahan tahay hawshaa loo xil saaray tahay in uu taageero iyo wadashaqayn aan tuhun lahayn ka helo dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee arintu khusayso”.ayaa lagu sheegay qoraal uu soo saaray John Mahama.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay inaysan suurtogal ahayn in uu xilkiisa guto maadaama dhinac ka mid ah uusan ku qanacsanayn;

“Madaxweyne Mahama oo magacaabistiisa ergeyga Midowga Afrika ay si buuxda u soo dhaweeyeen Golaha Musharaxiinta Madaxweynenimo ee Soomaaliya iyo golaha madaxweyneyaashaa dawlad goboleedyadu, ayaa sidoo kale warqadda uu u diray gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, kaga deyriyey in taageero la’aanta dhanka Dawladda Federaalku khatar gelin karto gebi ahaanba hanaanka oo ay wiiqi karto rajada dunida oo dhami ka qabto in nabad lagu soo dabbaalo dalka Soomaaliya ee sharafta leh”.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday inay aqbasho ergaygaa gaarka ah ee uu Midowga Afrika u magacaabay.

Warqad wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya u dirtay gudoomiyaha Midowga Afrika, ayey ku wargalisay in aanay aqbalayn oo aanay ku taageeri doonin Mahama hawshaa ururku u igmaday.

John Dramani Mahama wuxuu waddanka Ghana xukumayay intii u dhaxeysay sanadihii 2012 ilaa 2017-kii. Wuxuu dhashay 29-kii bishii November ee sanadkii 1958-kii, da;diisuna waa 62 sano.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More