Ethiopia oo xabsiga ka sii deysay Siyaasiyiin mucaarad ah

Itoobiya ayaa xabsiga ka sii deysay dhowr hoggaamiye oo mucaarad ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Jimcihii shalay, iyadoo dowladdu ay sheegtay in ay billaabayso wadahadal ay la gasho siyaasiyiinta ka soo horjeeda.

Liiska dadka la sii daayay ee warbaahinta ay maamusho dowladda Itoobiya lagu sheegay ayaa waxaa ka mid ahaa laba hoggaamiye oo sare oo siyaasadeed oo ka soo jeeda Oromada: Bekele Gerba oo ah hoggaamiyaha sare ee xisbiga Oromo Federalist Congress Party iyo Jawar Mohammed, oo ah aasaasaha Shabakadda Warbaahinta Oromiya. Labada nin ayaa lagu soo oogay Sebtembar 2020 dambiyo argagixisanimo.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Balderas for Genuine Democracy, Eskinder Nega, ayaa la sii daayay, sida uu xisbigiisa ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka.

Eskinder, oo ah saxafi ka soo jeeda qowmiyada Axmaarada iyo blogger, ayaa waxaa lagu soo oogay dambi ah ka qeybqaadashada hurinta colaado iyo rabshado.

Dadka la sii daayay waxaa ka mid ah Abay Weldu oo ahaa madaxweynihii hore ee Tigrayga iyo Sebhat Nega oo ahaa aasaasihii kooxda TPLF.
Talaabadan lagu soo deynayo hogaamiyayaasha qawmiyadaha kala duwan ayaa ah horumarkii ugu muhiimsanaa tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay waqooyiga gobolka Tigray, taasi oo khatar ku ah midnimada dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More