Faah faahin: khasaaraha dagaalka ka socda Garoowe

Jun. 20 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Garowe, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamo diidan in Dastuurka la furo oo taabacsan Siyaasiyiinta deegaanka.

Inta la ogyahay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, mid kalena waa ku dhaawacmay inta la xaqiijiyey dagaalka ciidanka Puntland iyo kuwa kale ee taabacsan mucaaridka ee ka socda xarunta gobolka Nugaal ee Garoowe.

Is rasaaseyn ayaa ka socota Jidka Sodonka iyo agagaarka Xarunta Baarlamaanka oo ay shalay isku hor fadhiyeen labada ciidan.

Si kastaba, Xiisadda ayaa ka dartay markii ay xalay ciidamada taabacsan mucaaradka ay la wareegeen xaafado ku dhow xarunta baarlamaanka, taas oo keentay inuu dagaal ka qarxo halkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More