Faah faahin: qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Maqaayada Blue Sky ee Muqdisho

Oct 16 (Jowhar.com)-Qof isku soo xiray walxaha Qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay banaanka Maqaayada Blue Sky oo ay intabadan dad shacab ah fariistaan.

Maqaayadan ayaa ku taala meel u dhow Taalada Xaawa Taako iyo xarunta Tiyaatarka qaranka waana bar Koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada qaranka.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay wixii warar ee ku soo kordho halkan ayaad kala socon doontaan saacadaha soo socda markaan helno warar dheerad ah oo ku saabsan Maqaayada Blue Sky.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More