Faah faahin Qaraxa ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo goordhow ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta, waxaana qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay agagaarka Koontaroolka Madaxtooyada ee baabuurta lagu hubiyo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha, waxaana la sheegaya in gawaari wadada marayay ay waxyeelo xooggan soo gaartay.

Gaariga qarxay ayaa si dhab ah loo ogeyn nuuca u ahaa, waxaana uu gebi ahaanba gaariga noqday mid burburay, waxaana wararka qaar sheegayaan in qof uu waday gaariga oo bartilmaameedsaday gawaarida kale ee ku jiray wadada aada Madaxtooyada.

Qiic iyo uuro ayaa goobta hareeyay iyo burburka ka dhashay qaraxa, iyadoo la arkayay gawaari gubanayay.

Ciidamada Booliska ayaa goobta xiray, waxaana socda gurmadka dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa, iyadoo aan weli kala caddeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay.

Qaraxyada loo adeegsado gawaarida waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay yaraaday, hase ahaatee waxaa kordhay qaraxa qofka jaakadaha qarxa soo xirta ee goobaha dadka fariistaan isku qarxiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More