Faahfaahin ka soo baxaysa ciidamo miino kula qaraxday gobolka Sh/dhexe

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan baabuur kuwa ciidamada ah oo ay miino kula qaraxday deegaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Illaa saddex askari ayaa ku dhimatay halka labo kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii baabuur ay la socdeen ay miino kula qaraxday waddo u dhexeysa degmada Mahaday iyo deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamo ilaalo u ah sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka gaar ahaan guutada 27aad.

Qasaaraha ka soo gaara ciidamada milatariga miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa waxa ay ku soo kordhayaan deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.

Labo maalin kahor ayaa ciidamo ka mid ah kuwa xoogga dalka waxa ay miino ku la qaraxday meel u dhexeysa degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan waxaana ku dhintey afar askari halka ay saddex kalana ku dhaawacmeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More