Faahfaahin ka soo baxaysa dagaalka magaalada Boosaaso

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in dagaalkii saaka ka bilowday magaalada dekeda leh uu qaboobay balse weli la maqlayo rasaas goosgoos ah.

Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamada Maamulka Puntland iyo ciidamada kale ee loo yaqaan PSF ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad badan oo rayid ah oo ku dhaawacmay dagaalka ayaa la dhigey isbitaalada magaalada Boosaaso iyadoo tirada dadkana la sheegay inay gaarayaan kontomeeyo.

Hase yeeshee lama oga khasaaraha soo kala gaaray ciidamada ku dagaalamay maanta magaalada Boosaaso.

Dagaalka oo ahaa mid la isu adeegsaday hubka culculus iyo kuwa fudud ayaa sababay in dad badan ay ka barakacaan guryahooda halka qaar kalena ay ku xayirmeen guryahooda.

Waxaa xiran goobaha ganacsiga magaalada iyadoo wadooyinkana ay yihiin cidlo, balse waxaa socda dadaalo ay wadaan duqeyda dhaqanka oo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka.

Hase yeeshee sida ay sheegayaan wararka qaar labada dhinac ayaa waxaa  u imanaya gurmad cusub kuwaasoo xoojinaya ciidamada is horfadhiya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni ayaa dib ugu laabtay gelinkii dambe ee maanta magaalada Garowe ee xarunta Puntland isagoo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo la xiriira dagaalka maanta ka dhacay magaalada Boosaaso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More