Faahfaahin ka soo baxaysa diyaarad dab ku qabsaday Doolow

Diyaarad nooca xamuulka qaada ah ayaa ku gubatay garoonka diyaaradaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Diyaraadda ayaa nooceedu yahay C-160 waana diyaarad xamuul. Waxay saaka ka tagtay magaalada Muqdisho iyadoo sidda xamuul.

Wararka waxa ay sheegayaan in diyaarada uu dab qabsaday xilli ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha degmada Doolow.

Ma jiro warar sheegaya in dad ay ku waxyeeloobeen diyaardan hase yeeshee waxaa ku gubtay qalab kala gedisan oo saarnaa diyaarada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More