Faahfaahin ka soo baxaysa dooman hub sida oo lagu qabtay Xeebaha Puntland

Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen hub si sharci darro oo qaab qarsoodi ah lagu doonayay in lagu geliyo deegaannada maamulkaas.

Ciidanka loo yaqaan PSF-ta ayaa sheegay howlgal dhanka badda ah oo ay ka fuliyeen xeebaha Laasqoray,Ceelaayo & Cadcado ay kusoo qabteen hubkaan oo aysan sheegin inta uu gaarsiisan yahay, nuucyadiisa iyo ujeedka laga lahaa.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan dadka lagu soo qabtay hubka iyo halka loo waday.

“Ciidanka PSF waxa ay hawlgal dhanka badda ah ka fuliyeen xeebaha Laasqoray, Ceelaayo iyo Cadcado si ay uga hortagaan kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebahaas oo ay ciidanka PSF heleen xogtooda” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta gaarka ah ee Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Puntland.

Deegaano ka mid ah Puntland ayaa waxaa ku sugan dagaalamayaal daacad u ah Alshabab iyo Daacish,waxaana ay la dagaalamaan ciidamada maamulka Puntland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More