Faahfaahin ka soo baxaysa qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Qarax caawa lagu weeraray Saldhigga degmada Waaberi ayaa dadkii ku dhintey waxaa ka mid ahaa taliyihii saldhiggaas Axmed Cabdulaahi Baashane iyo qaar kale oo ka mid ah ciidamadi ka howlgalayay saldhigga.

Waxaa sidoo kale ka mid noqday dadkii  ku dhintey Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cagey oo ahaa taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow Cadde ee gobolka Banaadir waxana uu udhintey dhaawac ka soo gaaray qaraxa.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhashay qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa waxana uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Ciidamad Booliska ayaa xirey wadada Maka Al Mukarammah iyadoo aysan jirin illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada federalka oo la xiriira qaraxan.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxan ayaa la geeyay isbitaalada magaalada iyadoo lagu daweynayo halkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More