Faahfaahin nabadoon caan ah oo lagu diley magaalada Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dil caawa loogu geystey magaalada Muqdisho nabadoon Geeseey Cismaan Cabdulle.

Dilka nabadoonka ayaa waxaa ka dambeeyay rag ku hubeysan bustoolado iyagoo dilka geystey xilli uu ka soo baxay masjidka ku yaal degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Kooxdii ka dambeysay dilka ayaa goobta ka baxsaday iyadoo xilli dambe ay gaareen ciidamo boolis ah goobta uu dilka ka dhacay.

Dilalka loo geysto nabadoonada iyo dadka beri magaytada ah ayaa waxa ay caan ka tahay magaalada Muqdisho iyadoo dilalkaa aysan jirin cid loo qabto ama sharciga la horgeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More