Faransiiska oo sii daayay muwaadin Sacuudiyaan ah oo lagu eedeeyay inuu ku lugl lahaa dilkii Khashoggi

Dacwad oogayaasha Paris ayaa Arbacadii sheegay in nin Sacuudiyaan ah oo Talaadadii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Paris sababo la xiriira in uu xiriir la lahaa dilka weriye Jamal Khashoggi la sii daayay ka dib markii ninka la xirey uusan ahayn ninkii lagu tuhunsanaa inuu ka qeybqaatay dilka Kashoggi.

Ilaha sharci fulinta ee Faransiiska ayaa Talaadadii ninkan ku magacaabay Khalid Alotaibi, oo la magac ah nin hore uga tirsanaan jiray ilaalada Boqortooyada Sacuudiga oo ku qoran dukumentiyada cunaqabateynta ah ee Mareykanka iyo Britain iyo warbixin ay Qaramada Midoobay u xilsaartay oo ku saabsan in uu ku lug lahaa dilka Khashoggi ee Turkiga.

Safaaradda Sacuudiga ee Paris ayaa sheegtay goor dambe oo Talaadadii in qofka la xiray uusan wax lug ah ku lahayn kiiska su’aasha ah.

Ilaha ammaanka ee Sacuudi Carabiya ayaa intaa ku daray in “Khaled Alotaibi” uu ahaa magac caan ku ah Boqortooyada, iyo in qofka Faransiisku u maleynayo in ay hayaan uu ka mid yahay maxaabiis ku xiran Sacuudi Carabiya.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in baaritaanno la sameeyay ay muujinayeen in amarka uu bixiyay Turkiga, kaasoo dhaliyay in la xiro markii ninkan baasaboorkiisa la iska sawiray, xilli lagu guda jiray baaritaanka xuduudaha, uusan khuseyn ninka lagu qabtay garoonka diyaaradaha.

“Baaritaano ballaaran oo lagu sameeyay aqoonsiga qofkan ayaa muujiyay in amarkan uusan khuseyn isaga… waana la sii daayay,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay xafiiska dacwad oogaha.

Khashoggi, oo ah saxafi ka tirsan Washington Post, isla markaana dhaleeceeya Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman (MBS), ayaa markii ugu dambeysay la arkay isagoo sii galaya qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul 2-dii Oktoobar 2018. Saraakiisha Turkiga ayaa rumeysan in meydkiisa la jarjaray lagana saaray.

Warka ku saabsan xiritaanka ninka loo maleynayay inuu dhab ahaantii yahay ninka ay raadineysay Turkiga ayaa kiciyay mowjado falcelin ah, iyada oo kooxaha xuquuqda iyo Hatice Cengiz, oo ah gabadha u doonan Khashoggi, ay muujinayaan inay raali ka yihiin in tuhmanaha heerka sare ah la xukumi doono.

Xarigga ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, maalmo uun kahor marka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu wadahadal fool ka fool ah Sacuudiga kula yeelanayo Amiir Maxamed, isagoo noqonaya hoggaamiyihii ugu weynaa ee reer galbeedka ah oo booqda boqortooyada tan iyo dilkii Khashoggi.

Macron waxa uu u arkaa Sucuudi Carabiya mid muhiim ah si ay gacan uga geysato abuuritaanka heshiis nabadeed oo gobolka oo dhan ah oo lala gaaro Iran, iyo sidoo kale xulafada ka dhanka ah kooxaha mayalka adag ee Bariga Dhexe ilaa Galbeedka Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More