Farmaajo oo ku baaqay in aan lagu degdegin waxka bedelka heshiiska 17-septembar

Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in aan lagu dag dagin isbadal lagu sameeyo heshiiska 17-septembar oo ay hore u wada saxiixdeen madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Farmaajo oo ka hadlayay munaasabadda xuska 78-aad, ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ammaanay ra’iisul wasaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada doorkooda ku aadan doorashada .

“Waxaan aaminsanahay in Ra’iisulwasaaraha iyo madaxda dowlad-goboleedyadu wax badan qabteen,doorashada dadban iyadaaba muran ku dhisan,heshiiskii 17-September waan saxiixay meel buuna yaallaa wuxuu ahaa mid laga fakaray waa in la iska ilaaliyaa in wax laga baddalo” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada inay diirada saaraan qabsoomida doorasho hufan oo caddaalad ku dhisan oo qof walbana u tartami karo.

Farmaajo ayaa warkan sheegay xilli ay ka dhiman tahay maalin qura kulan loo ballansan yahay 27ka bisha oo ay Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada isugu iman doonaan magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa lagu wadaa in la iskula soo qaado arrimaha doorashada iyo weliba sidii loo xalin lahaa caqabadaha hortaagan inay doorashadu hore u dhaqaaqdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More