Gaari waxyaalaha qarxa ay saaran yihiin oo lagu qabtay deegaan ka tirsan Afgooye

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa waxaa ay ku qabteen deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose gaari Hoomey ah oo walxaha qarxa lagu soo raray.

Howlgalkaan lagu soo qabtay gaariga hoomeyga ah ee lagu diyaariyey walxaha qarxa ayaa waxaa laga fuliyey tuulada Cad-cadeey oo ka tirsan degmada Afgooye gobolka Shabellaha Hoose
Saraakiil ka tirsan Ciidanka DANAB oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in gaariga Hoomeyga ah in muddo ah lagu diyaarinayay walxa qarxa, isla markaana Al-Shabaab ay doonayeen in ay ku weeraraan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka Muqdisho iyo labada Shabeelle.

Howlgalkan ay Ciidamada dowladda Soomaliya ku qabteen Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Bar-koontorool oo ku taal Isgoyska Sayidka ee Muqdisho uu ka dhacay qarax gaari sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More