Galmudug oo shaacisay Doorashada 3 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka

Mar 9 (Jowhar.com) – Guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyay qabashada doorashada saddex kursi oo ka mid ah kuraasta taal Gaalkacyo.

Waxaa uu guddiga uu shaaciyay in doorashadan ay dhici doonto 12ka bishan March oo ah saddex maalmood kahor xilligii loo asteeyay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Saddexda kursi ee la shaaciyay ayaa waxaa ay kala yihiin;

HOP#38 Waxaa ku fadhiyay Axmed Macalin Fiqi Axmed

HOP#69 Waxaa ku fadhiyay Xildhibaan C/raxmaan Odawaa.

HOP#95 Waxa ku fadhiyay Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More