General Xijaar iyo James Swan oo ka wadahadlay ammaanka doorashooyinka

Mar 2 (Jowhar.com)  Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa kulan la yeeshay wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyagoo ka wadahadlay arrimo ku saabsan ammaanka doorashooyinka.

Kulanka ayaa looga hadlay dhammaystirka iyo xoojinta sugidda amniga doorashooyinka dalka oo haatan meel gabagabo ah maraya.

Ammaanka goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan ayaa wanaagsanaa bilihii la soo dhaafay inkastoo weeraro ka dhan ah doorashada ay ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho,Beledweyne iyo Baraawe.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa la qorsheeyay in la soo gabagabeeyo 15ka bishan Marso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More