Golaha Wadatashiga iyo Xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta oo kulmay

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulan la leh xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, iyagoo ka dhageysanaya tabashooyinkooda ku saabsan habraaca doorashada iyo tallooyinkooda.

Midowga Musharaxiinta ayaa horay u dalbaday kulankan, iyagoo doonayay in la saxo habraaca doorashada iyo qaladaadka ka dhashay.

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta la kulmay xubno ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka,waxaana la filayaa in sidoo kale ay la kulmaan ururada Bulshada Rayidka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More