Golaha Wadatashiga oo caawa kulan uu uga socdo Hotel Decale

Shir ay yeelanayaan Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoomiyo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa caawa ka socda hotelka Decale ee ku yaal gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalaya oo xaadir ku ah dhammaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sida uu sheegay afhayeenka xukuumada.

Shirkan ayaa qeyb ka ah kulamada looga arrinsanayo arrimaha ammaanka iyo doorashada dalka.

Xalay illaa saaka ayaa waxaa socday kulamo gaar gaar ah oo madaxdu ka yeelanayeen arrimaha lagu kala aragti duwan yahay ee ammaanka dalka iyo doorashada.

Kala soco www.jowhar.com wixii ka soo kordha kulanka caawa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More