Golaha Wadatashiga oo kulan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka.

Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankoodii labaad maanta galay waxa ay ugaga wadahadlayaan sidii doorashada ay u noqon lahayd mid la dardargeliyo,

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More