Golaha Wasiirada Hirshabelle oo kulankoodii maanta uga hadlay arrimo muhiim ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka todobaad laha ee Golaha Wasiirada Maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Xukuumada warbixin uga dhagaystay Wasiirada Kalluumeysiga, Waxbarashada, Xanaanada Xoolaha iyo Shaqada iyo Shaqaalaha iyagoo Madaxweynaha wadaagay wixii u qabsoomay sedexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa golaha wasiirada la wadaagay baaxada abaaraha ee ku dhuftay deegaanada Hirshabeelle, iyo saameynta ay gaysteen.

Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha ayaa shirka golaha xukuumada horgeeyay Sharciga Ciidanka Booliiska Dowladda Hirshabeelle, waxayna golaha ka doodi doonaan kulanka xiga ee Golaha Xukuumada.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xubnaha golaha wasiirada dadaalka shaqada adag ee ay hayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More