Golaha Wasiirada oo maanta ka shirey Arrimaha Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS oo ku qabsoomay habka fogaan aragga.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirka uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shirka Golaha Wasiirrada siiyay Warbixin la xiriirta Dacwadda Badda Soomaaliya ee dhawaan ay dhageysatay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.
Shirka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka iyo dadaallada dowladdu ku xakameyneyso caabuqa COVID-19 iyo qodobbo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More