Guddi uu u magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble qiimeynta Garbahaarey oo gaaray Kismaayo

Mar 2 (Jowhar.com)  Guddoomiyaha Guddiga qiimeynta xaaladda deegaan doorashada Labaad ee Jubbaland Cumar Maxamed Cabdulle dhagey iyo xubno katirsan guddigaas oo dhawaan magacaabay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Kismaayo.

Xubnaha wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT iyo wasiiro ka tirsan Jubaland.

Waxaa lagu wadaa xubnaha ka socda guddigan inay kulamo la yeeshaan Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Madoobe.

“Waxaan nahay wafdi hordhac ah oo ka kooban waxaana nagu soo biiraya berri haddii alle idmo inta ka dhiman guddiga,waxaan la kulmi doonaa

Madaxweynaha Jubbaland iyo dadka kale ee daneeya arrimaha siyaasada ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.”ayuu yiri Avv Cumar Dhagey.

Waxa uu Avv Dhagay uu sheegay in howshoodu tahay qiimeyn kadibna aan warbixin u gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xubnaha wafdigan ay tegi doonaan magaalada Garbahaarey si ay qiimeyn ugu sameeyaan sida ay ugu diyaarsan tahay in doorasho ay ka dhacdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More