Guddiga Doorashada Heer Federal oo soo saaray Jadwalka Doorashada golaha shacabka

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa shaaciyay jadwal cusub oo ku saabsan Doorashada xildhibanaada Golaha Shacabka.

Jadwalkan ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada Golaha Shacabka ay ka bilaaban doonto dalka 1da September illaa iyo 20ka November ee sanadkan.

Sidoo kale Jadwalkan ayaa lagu sheegay in doorashada Aqalka Sare ay ku eg tahay 18ka bishan September iyadoo weli aysan ka bilaaban doorashada Aqalka Sare dowlad goboleedka Hirshabelle halka aan weli la dhamaystirin dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More