Guddiga doorashada Jubbaland oo soo shaaciyay magacyada guddiga xulista ergooyinka lix kursi
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa shaaciyey dib u saxid lagu sameeyey shaacinta guddiga xulista ergada lix kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa soo saaray qoraal lagu shaacinayo guddiga soo xulista ergooyinka iyo jadwalka qabashada doorashada lix kursi.
Halkan hoose ka aqriso magacyada guddiga xulista ergada iyo jadwalkaba;