Guddiga ka socday Soomaaliya ee Dhagaysiga Dacwada Badda oo gaaray Hague

Guddiga gaar ah oo u qaabilsan dhageysiga dacwadda dalka Soomaaliya uuna hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague oo ay ku taal xarunta Maxkamada Caddaalada Adduunka ee ICJ.

Xubnaha wafdigan ayaa uga mas’uul ah dowlada Soomaaliya dacwada badda iyadoo Maxkamadda cadaaladda Adduunka ee marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaan ICJ ayaa shaacisay jadwal ku aadan dhageysiga dacwadda badda ee dhexeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal kasoo baxay maxkamaddda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda uu si toos ah u bilaaban doono 15-ka bishan March, waxaana dooda ku horreyn Soomaaliya.

Sidoo kale ICJ ayaa shaaca ka qaaday in wareega koowaad ee dhageysiga dacwadda uu socon doono 15-ka illaa 19-ka bishan March ee sanadka 2021-ka.

Jadwalka ayaa sidoo kale lagu muujiyey in wareega labaad ee dacwadda dib la isugu soo noqon doono 22-ka, islamarkaana ay doodo socon doonto illaa 24-ka bishan March.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More